Rooble oo furay shirka Madasha Arrimaha Abaaraha

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa uu ka furmay Hangarka Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyada oo uu furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Gargaarka, maareynta & Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirada Gargaarka Shanta Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir, isku Duwaha Howlaha Arrimaha Bani’aadamnimo ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaalilya Adam Abdulmoula iyo qaar kamid ah Deeq bixiyeyaasha Calamiga ah.

Shirka oo muddo hal Maalin ah socon doona ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha Ban’aadannimo ee hadda taagan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in deeqaha Caalamka ka heli jirtay dowladda Soomaaliya oo hoos u dhacay aawgeed loogu gurman waayay dadka Gobolada ay abaartu ku saameeysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Abaaraha & musiibooyinka kajira dalka ay Soomaaliya u dheer tahay cakirnaanta Siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare rooble ayaa ugu baaqay deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Hay’adaha samafalka in xilligaan adag ee lagu jiro ay gurmad bani’aadannimo la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa  warbixin looga dhageysan doonaa Hay’adda isku dubba ridka hawlaha gargaarka ban’aadanimo ee Soomaaliya, OCHA iyo Warbixinada Hay’adaha NGO,yada ka howlgalla dalka.

Sidoo kale inta uu Shirka socdo ayaa waxaa Kaalmooyin dhaqaale oo lagu bixinayo arrimaha bani’aadannimo ee kajira dalka balan qaadi doona deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo xiri doona shirka oo laga soo saari doono Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More