Rooble oo hakiyay isticmaalka lacagta qoondada IMF ee dowlada

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Amarkan ka soo baxay ra’iisul wasaare Rooble ayaa imanaya kadib saacado markii wadahadalo u socday Farmaajo iyo Rooble uu burburay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More