Rooble oo kala hadlay dowladda Britain gargaarka abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada ee Nick Dyer.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada ee Nick Dyer ayaa balan qaaday in ay taageero iyo gurmad soo gaarsiin doonaan Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolada abaarta ku saameysay.

Dadka kunool degaano iyo degmooyin kuyaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa saameeysay abaarta jirta, iyaga oo helin gurmad dowladeed iyo mid Caalami ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More