Rooble oo ku dhawaaqay 1 Milyan oo dollar oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble amray in boqolkiiba labaatan laga jaro mushaarka golaha wasiirada halka mushaarkiisa labo bilood uu ku yaboohay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More