Rooble oo kulamo la yeeshay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Hirshabelle iyo Galmudug

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyadoo kulankaasi loogaga hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee siyaasada dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga oo Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) kadib markii uu soo dhamaadayna waxaa saxaafada la hadlay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala.

“Ujeedka kulanka waxa uu ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho isla markaana looga hortegi karo waxkasta oo keeni kara dhibato.”ayuu yiri Wasiir Al Cadaala.

Wasiir Al Cadlaale ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda ay ka wada hadleen in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa wixii dalka horseedi kara xasilooni darro.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah oo malmihii la soo dhaafay xaalada magaalada Muqdisho ay aheyd mid kacsan kadib markii ay dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan mudo kororsiga ay sameeyeen Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More