Rooble oo la kulmay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Madaxdweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ahaa madaxweynayaashii dowlad goboleedyada oo si cad u shaaciyay inay taageersan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble qorshaha uu ku doonayo in lagu dardargeliyo doorashada ayna ka qeybgalayaan shirka uu iclaamiyay.

Labada Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa shalay gelinkii dambe ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More