Rooble oo la kulmay Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Ganacsatada Suuqa Islii

June 10 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Islii ee magaalada Nairobi.
Kulankan ayaa loogaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya dalka Soomaaliya iyo wadanka Kenya.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa u muujiyay Ra’iisul Wasaare Rooble sida ay uga go’an tahay inay ka qeybqaataan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble inay ku faraxsan yihiin in markale xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu soo hagaago.

Wafdigan ka socday ganacsatada dalka Kenya ayaa u yimid caasimada dalka ee Muqdisho inay la kulmaan madaxda sare ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More