Rooble oo sheegay ineysan jirin khilaaf shaqsi ah oo kala dhexeeya Farmaajo

May 19 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Mudane Hassan Sheikh Mohamud pp 15-kii bishan xilka madaxweyne loo diortat.

Waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda ugu duceeyaan in uu Eebbe ku guuleeyo howsha qaran ee loo igmaday, isagoo sidoo kale ka dalbaday iney la shaqeetaan si loo wada guuleysto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahadceliyay madaxweynihii hore Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo uu sheegay in ay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen, isla markaana aysan jirin xumaaan shakhsi ah oo ka dhaxaysa marka laga reebo inay doorashada ku kala aragti duwanaayeen, ayna jireen dad khilaafkooda sii hurinayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More