Rooble oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Xasan Sheekh

May 16 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u  hambalyeeyay madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo uu doortay BFS labadiisa aqal.

Rooble ayaa Eebbe uga baryay in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday Madaxweynaha cusub  ee loo dhaariyay talada dalka afarta sano ee soo socota.

“Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Rooble.

“Maanta oo ku astaysan 15-ka May, Maalinta dhallinyarada iyo gobonimo doonka Soomaaliyeed, waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla.

Soomaaliya ha noolaato.”ayuu sii raaciyay Rooble.

Sidoo kale waxaa u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More