Rooble oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Caddaalada

Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana kula dar daarmay wasiiraddan uu maanta xilka u kala wareejiyay in si deg deg ah uga howlgalaan wasaaradaha ay ku magacaaban yihiin si wanaagsana uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Isbadalkan labada wasaaradood ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaafka soo kala dhax galay Rooble iyo Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More