Rooble “Waxaan aaminsanahay in gacanta Aamina dishay inay aheyd gacantii dishay Ikraan Tahliil”

Mar 30 (Jowhar.com) –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ka hadlayay munaasabad loogu duceynayay Marxuum Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii ku dhintey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in gacanta ka gardan ee Aamina dishay inay aheyd gacantii ka dambeysay Ikraan Tahliil.

Waxa uu ra’iisul Wasaare Rooble oo aad u tiiraanyeysnaa ayaa sheegay in uu hore u balanqaaday in arrinta IKRAAN TAHLIIL uusan ka hari doonin balse arrintasi la siyaasadeeyay oo loo bedelay dagaal u dhexeeyo Rooble iyo Farmaajo.

“Waxaan ballanqaaday in arrinta Ikraan aan god u galayo haddii i gaarsiiso welina balankaas waa ku taaganahay dad badan ayaa igaga baxay balantaas waa la siyaasadeeyay arrinta ma ahayn ujeedkeena farmaajo laakiin waxaan dooneynay in raggii cadaalada darada ikraan ka dambeeyay in aan Maxkamad horkeeno.”ayuu yiri Rooble.

“Waxaan aaminsanahay sida aan u aaminsanahay inaan cawada dhimanayo in Aamino gacanta ka gardaran ee dishey inay ahayd gacantii dishey Ikraan Tahliil, sababtoo ah markii uu Madaxweynaha Hirshabelle uu furay kursiga Aamino ay ku fadhidey isla markaana aan ku raacay in la bedelo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Hirshabelle waxaa saacad kadib ii soo dhacday farriin dhahayso ‘kursigaas Aamina ee aad furteen boob iyo ujeedo ayaad ka leedahay laakiin waa waxaad ka hesho Cali Guudlawe iyo adigana waan iska kiin celineynaa Hirshabelana waan iska celineynaa adigana waa iska kaa celinaynaa”ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay joogaan dadkii soo abaabulay oo qarashka ku bixiyay dadkii isku qarxiyay Aamino oo keenay magaalada Beledweyne balse maruun cadaalada la horgeyn doono.

Waxa uu ra’iisul wasaare Rooble ka digey in ay jirto mu’aamarad lagu doonayo in dalka aysan ka dhicin doorasho isagoo sheegay in dadka qaar aysan diyaar u ahayn doorasho oo ay ka taagan tahay “Cadkeygiyow ku cunay ama ku ciideeyay”.

Waxa uu ra’iisul wasaaruhu ballanqaaday in waqtigii loogu talogalay lagu dhaarin doono xildhibaanada la doortay inta dambiga gashayna waqtigaas lala xisaabtami doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More