Ruto oo diiday inuu saxiixo Sharciga Maaliyada ee rabshadaha dhaliyay

Jun 26(Jowhar.com)-Madaxweynaha Kenya William Rutoayaa sheegay in uu ka laabtay inuu saxiixo,hinde sharciyeedka maaliyada ee shalay barlamaanku ansixiyeen.
Sharcigaas ayaa dhaliyey banaanbaxyo waaweyn oo gilgilay Kenya, kuwaas oo dad ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Uhuru waxa uu khudbad uu si toos ah u jeediyay ku sheegay in uu la kulmid doono dhalinyarada reer Kenya uuna dhimi doono kharashka ku baxa Madaxtooyada Kenya.

Banaanbixii ugu balaarnaa ayaa shalay ka dhacay caasimada Nairobi iyo meelo kale oo dalka Kenya ka tirsan.

Isbitaalada magaalada Nairobi ayaa waxaa ku jira dad ku dhow labo boqol oo ruux oo ku dhaawacmay mudaaharaadkii shalay ka dhacay caasimada Nairobi.

Waxaa jira xoogaa jahawareer ah oo ku saabsan tirada dhabta ah ee dhimashada ka dhalatay banaanbaxii shalay.

Warar aan la xaqiijin oo soo xiganaya Ururka Dhakhaatiirta Kenya ayaa sheegay maanta in ugu yaraan 23 qof ay dhinteen, 30 kalena laga daweynayo dhaawacyo rasaas ah.

“Waxaan diiwaangelinnay 22 dhimasho ah… waxaan billaabaynaa baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka Kenya.

Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalada Nairobi ayaa maantasheegay in lagu daweynayo 160 qof oo dhaawacyo ah oo ay ku jiraan dhaawacyada rasaasta.

Bililiqo ayaa sidoo kale laga soo sheegay Nairobi iyo gobolo kale. Dhismayaal ayaa lagu gubay magaalada Eldoret ee Rift Valley oo ah goob uu ku xoogan yahay Ruto.

Ruto, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo ballanqaaday inuu dhimayo qiimaha maciishadda, ayaa horay u sheegay in canshuur kordhinta ay lagama maarmaan tahay si loo dhimo ku tiirsanaanta deynta dibadda, taasoo hadda la mid ah 70 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha (GDP).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More