Ruushka iyo Maraykanka oo isweydaarsaday Maxaabiis

Dec. 08 (Jowhar.com) -Maraykanka iyo Ruushka ayaa isku beddeshay Brittney Griner oo ciyaaryahanad kubbada kolayga ah iyo ganacsade Ruush ah oViktor Bout o lagu eedeeyay inuu ka ganacsan jiray hubka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Griner ay badqabo lagana soo saaray diyaarad Imaaraadka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in aan iraahdo Brittney niyad wanaagsan… waxay u baahan tahay waqti iyo meel ay ku soo kabsato,” ayuu ka yiri Aqalka Cad.

Griner ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Moscow bishii Febraayo iyadoo heysta saliid xashiishad ah waxaana bishii hore loo diray xabsi ciqaab ah.

Maamulka Biden ayaa soo jeediyay in maxaabiis la is dhaafsado bishii Luulyo ee la soo dhaafay, iyadoo laga warqabay in Moscow ay muddo dheer raadineysay sii deynta Bout.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa xaqiijisay is dhaafsigan, waxayna sheegtay in ay ka dhacday garoonka Abu Dhabi. “Muwaadinka Ruushka waxaa lagu celiyay dalkiisa,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaraddu.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kaalin hoggaamineed ka qaatay dadaallada dhex dhexaadinta, isaga iyo madaxweynaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid Al-Nahyan.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xiriir wanaagsan la leh hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, waxaana bishii Sebtembar uu gacan ka geystay isku-dubarid adag oo boqolaal maxaabiis ah oo ay kala haysteen Ruushka iyo Ukraine.

Viktor Bout ayaa sugayay inuu dhamaysto xabsi 12 sano waxaana lagu helay dambi ah in uu hub ka iibiyey dagaal oogayaashii iyo dawlado ku yaal Laatiin Ameerika.

Brittney Griner, oo ah 32 sano jir waa mid ka mid ah haweenka isboortiga ugu caansan Mareykanka. Inta lagu jiro xilliga kubbadda koleyga ee Mareykanka labada horyaal ee Olombikada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More