Ruushka oo ku eedeeyay Maraykanka inuu kula jiro dagaal dadban

Dec. 22 (Jowhar.com)- Ruushka ayaa ku eedeeyay dowlada Maraykanka inay dagaal dadban ay kula jirto kadib markii dowlada Maraykanka ay u oggolaatay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky gantaalo casri ah.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u yaboohay $1.85bn (£1.45bn) oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine oo ay ku jirto nidaamka gantaalaha casriga ah si uu gacan uga geysto ka hortagga weerarada Ruushka. Safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ficilkan kicinta ah ay horseedi doonaan cawaaqib xun.

Anatoly Antonov ayaa u sheegay warbaahinta dowladda Ruushka in Moscow ay isku dayday wax walba balse arrinka ku saabsan nidaamka gantaallada Patriot ee Kyiv ay ahayd mid xaalada sii hurinaysa.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Gantaalada Patriot ay gacan ka geysan doonaan sidii ay dadka reer Ukraine uga difaaci lahaayeen weerarada Ruushku ku hayo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine.

Moscow ayaa ka cabatay in aan la maqlin baaqyo nabadeed intii uu madaxweyne Zelensky safar ku joogay Washington,iyadoo afhayeenka Dmitry Peskov uu ku tilmaamay arrintan mid caddaynaysa in Maraykanku uu dagaal dadban uu kula jiro Ruushka.

Mr Peskov ayaa intaa ku daray in gaarsiinta gantaalada Patriot aysan ka hor istaagi doonin Ruushka inuu gaaro yoolkiisa inta lagu jiro howlgalka gaarka ah ee militariga.

“Wadahadaladii ka dhacay Washington waxay muujiyeen in Ukraine iyo Maraykanku midkoodna uusan raadin nabad, waxay si fudud u doonayaan inay dagaalka sii wadaan,” ayay tiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova.

Isagoo xusayay safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu billowday duullaanka, Mr Zelensky wuxuu u sheegay Congress-ka in dalkiisu uu nool yahay oo uu is difaacayo oo uusan waligiis isu dhiibi doonin Moscow.

Lacag gaareys $1.85bn ee horay loogu dhawaaqay, $ 45bn oo kale oo ah gargaarka degdegga ah ee Mareykanka ayaa hadda hor yaal Senate-ka.

Mr Zelensky waxa uu rajo ka muujiyay in maalgelintan dheeriga ah la ansixin doono, si ay uga caawiso in uu iskaga difaacno weerarada Ruushka ugaga imanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More