Ruushka oo Soomaaliya ka cafiyay inkabadan $684 million oo deyn ah

July. 27 (Jowhar.com)-Ruushka waxa uu in ka badan 684 million oo doolar ka cafiyay Soomaaliya, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka, Biixi Iimaan Cige ayaa saxiixay heshiiska uu Ruushka in ka badan $684 million kaga cafiyay Soomaaliya sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay, Heshiiskan ayaa door wayn ka qaadan doona dhammaystirka geediga deyn cafinta Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu sheegay in Ruushku ogolaaday in Soomaaliya uu ka cafiyo deyn dhan 600 oo Milyan oo doolar.

Dhanka kale, waxaa sanadihii dambe socday dedaal ay wadday dowladda Soomaaliya oo ku aaddan sidii lacagaha deynta looga cafin lahaa dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More