RW oo daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka

0
38

Nov 04(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

“Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waaweyn iyo wax walba oo horseedaya amni darro.

Ra’iisul Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan hey’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ay tahay in cid walba ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.