RW Rooble oo ku dhawaaqay xiliga la xirayo wadooyinka Muqdisho,codsina u diray Shacabka.

June 08 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaraaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in caawa tobanka habeenimo la xiri doono wadooyinka Muqdisho, iyadoo beri Shanta galabnimo isu socodka magaalada dib loo furi doono.

Mr. Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhinaca kale faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Beri oo Khamiis ah ayaa loo balansan yahay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa iney caasimadda yimaadaan madax ka socota dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo wufuud ka socota wadamada caalamka ee xiriirka dhaw la leh dalkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More