RW Xamsa oo khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Qaramada Midoobay
Sep 23 (Jowhar.com)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.
Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta muddada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.
Waxa uu intaas raaciyey in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeenna ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan lagu siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.