RW Xamse oo bilaabay dadaalada uu codka kalsoonida uga raadsanayo BFS.

June 16 (Jowhar.com)- Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka wado dadaalo uu codka kalsoonida uga raadsanayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xamse oo gelinkii danbe ee shalay xilkaasi loo soo magacaabay ayaa saaka kulamo gaar gaar ah la qaatay gudoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomalaiya, iyadoo kulamada intooda badan ay daarnaayeen sidii uu juhdi ugu bixin lahaa iney codka kalsoonisa siiyaan marka uu madaxweynaha horgeeyo.

Dadka uu la kulmay waxaa kamid ah Gudoomiyana Aqalka Sare Cadi Xashi, Gudoomiyaha golaha shacanka Sheekh Aadan Madoobe iyo kuxigeenkiisa labaad Abshiroow, iyagoo u balanqaaday iney codka kalsoonida siin doonaan marka baarlamaanka la horgeeyo.

Warar soo baxaya waxa ay sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maaliniamda Sabtida ah ee nagu soo foolma leh uu baarlamaanka horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More