RW Xamse oo xal ka gaaray tabashada madaxweyne kuxigeenada Jubaland iyo Galmudug ee wasiiradiisa.

August 08 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si hoose u xaliyay tabasho ay dhismaha wasiiradiisa ka keeneen madaxweyne kuxigeenada maamulada Jubaland iyo Galmudug, iyagol saluug ka muujiyay xilalka ku soo aaday wasiirada metela beeshooda.

Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid ayaa sheegay in heshiis laga gaaray tabashadii ay qabeen isaga iyo Cali Ciid oo ah madaxweyne kuxigenka maamulka Galmudug, ma uusan bixin faah faahinta waxa lagu qanciyay.

“Tabashadii aan ka qabnay xukuumadda Soomaaliya waan ka heshiinay Raysal wasaare Xamae Barre, haddii aan Jubbaland iyo Galmudug nahay.” ayuu yiri Seyd Aadan.

Si kastaba, Madaxweyne kuxigeenada maamulada Jubaland iyo Galmudug ayaa dhawaan saluug ka muujiyay xilalka ay ka heleen golaha wasiirada cusub, iyagoo shir deg deg ahaa isugu yeeray mas’uuliyiinta beeshaas ku metela dowladda, maamulada Galmudug iyo Jubaalnd iyo Odayaasha dhaqanka, balse shirkaasi ayaa baaqanaya, maadaama xal deg deg ah la gaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More