Saciid Deni oo furay Kalfadhiga 49aad ee Golaha Wakiilada Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa waxa uu ku ugaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarin ee dowladdu hirgelisay, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo dowladaha xubnaha dowladda Federaalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanada Golaha Wakiillada , Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya heer Federaal, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Furitaanka kalfadhigan ayaa waxa uu ku soo beegmay dhowr maalmood kadib markii laga qabtay 3 degmo oo ka mid ah degmooyinka Puntland doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doortay golayaasha deegaanka degmooyinka Eyl,Ufeyn iyo Qardho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More