Saciid Deni oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Karkaar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye isagoo sidoo kale kala direy Golahii Deegaanka degmada Qardho.

Saciid Deni ayaa xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar u magacaabay Cabdi Siciid Cismaan oo hore u ahaa duqa degmada Qardho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray golaha deegaanka degmada Qardho oo muddo xiliyeedkoodu dhammaaday.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Faarax Cabdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Qardho, sidoo kale wuxuu Maxamuud Maxamed Ciise (Diinaari) u magacaabay guddoomiye ku-xigeen.

Magacaabistan iyo kala diristan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo lagu wado in magaalada Qardho ay ka dhacdo bisha soo socota doorashada golaha deegaanka oo qof iyo cod ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More