Sacuudi Carabiya oo markii ugu horeysay laga xusay aasaasihii Boqortooyada

Amiirka Sacuudiga ahna Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ayaa qabtay munaasabad lagu maamuusay aasaasihii qoyska Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Munaasabadda oo lagu qabtay Magaalada Diriyah oo Waqooyi Galbeed uga beegan Riyadh oo ah goobtii Maxamed Bin Sacuud uu talada kula wareegay ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin badan.

Bandhigga waxaa qayb ka ahaa cayaaro kala duwan oo gaar u ah Dalkaas, Heeso iyo Muusik weliba iyaga oo goobjoog ay ka ahaayeen culimada ugu magaca weyn Sacuudiga sida Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh iyo Culimo kale.

Xuskan ayaa loo arkaa inuu ka mid yahay isbedelka ku socda Sacuudiga ee uu sababta u yahay Amiirka Dalkaas ahna dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furfuray go’aamo badan oo muddo dheer adkaa.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganeysa mas’uuliyiin kala duwan aya waxa ay daabacday in munaasabadda waxaa lagu casuumay dad gaaraya 3,500 ruux oo aan waxba ka baddeli Karin sida wax loo maamusay ama loo qorsheeyay Munaasabaddaan.

Magaca Sacuudi Carabiya waxaa la bixiyay sanadkii 1932dii, maamulka waxaa isku baddela tafiirta aasaasaha, iyagoo gacanta ku haya awoodda sare ee dalkaas iyo hay’adaha kala duwan ee muhiimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More