Sacuudiga oo ogolaaday in Haweenka Muxrim la’aan dalban karaan Xajka

June 05 (Jowhar.com)- Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabia ayaa markeedii ugu horeysay ku dhawaaqay in haweenku ay hadda wixii ka dambeeya ay si toosa u dalban karaan ama isu diiwaan gelin karaan xajka iyada oo aanu la soconin qof muxram u ah.

Warkan ayaa lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga iyadoo haatan lagu jiro diyaargarowga gudashada acmaasha Xajka.

Arrintan ay ku dhawaaqday Boqortooyada Sacudiga ayaa waxa ay qeyb ka noqoneysaa isbedello uu Sacuudigu ku sameynayay xeerarkiisa dhinaca xuquuqda dumarka.

Waxaa hore loogu oggolaaday dumarka in ay baasaboor qaadan karaan oo ay kaligood safri karaan, inay baabuurta kaxayn karaan iyo weliba in haweenku qaban karaan illaa heer jagooyin xafiisyada dowladda ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More