Saddex kursi oo maanta lagu doortay Beledweyne

Mar 10 (Jowhar.com)-Magaalada Beledweyne ayaa maanta lagu doortay saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka kadib khilaaf sababi gaaray in uu markale dib u dhac ku yimaad kuraastan.

Doorashada ka dhacday maanta magaalada Beledweyne ayaa dib loogu doortay Daahir Amiin Jeesow halka labada xildhibaan ee kale ee la doortay ay yihiin kuwo ku cusub baarlamaanka Soomaaliyeed.

Kursiga Koowaad ee doorashadii Maanta oo ah Hop#030 ayaa waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Daahir Amiin jeesow kadib markii uu tanaasulay Cali Cabdullahi Xeefow oo la tartami lahaa, wuxuuna helay dhamaan codadka Ergada oo ah 101 Cod.

Kursiga labaad ee HOP#010 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Axmed Maxamed ( Jindi) ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gureey) kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay ee Cabdinaasir Maxamuud Cabdi sida uu natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Hirshabelle Axmed Xasan Diini, wuxuuna helay codad gaaraya 88 Cod.

Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More