Saddex ruux oo ganacsato ahaa oo lagu dilay magaallo xeebeedka Cadale

Oct 11 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq oo hoostagta magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dilka waxaa loo geystay saddex qof oo shacab ahaa, waxaana wararka soo baxaya ay tilmaamayaan inuu dilkan salka ku hayo arrimo la xiriira aanooyinka qabiilka, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumiinta la dilay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu kala kala magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, sida aaanu ku soo xignaay ehellada dadkaasi xalay lagu dilay duleedka degmada Cadale.

Marxuumiinta dhamaantood waxey ahaayeen ganacsato deegaanka si weyn looga yaqaanay.

Ciidamada amaanka oo ku baxay halka dilka uu ka dhacay ayaa wada baaritaano la xiriirta soo qabashada kooxihii ka dnabeeyay dilkaasi, waxeyna saraakiisha dadka deegaanka ka codsadeen iney is dajiyaan, cadaaladana la horgeyn doono danbiilayaasha.

Si kastaba, deegaanada hoostaga magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa kusoo noqnoqday dilalka salka ku haya aanooyinka qabiilka, mana muuqato wax xal ah oo maamulka gobolka Sh.dhexe uu ka gaaray arrimahaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More