Safiirka Cusub Maraykanka Andre oo kula kulmay Ballidoogle Taliyaha ciidamada Xoogga dalka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Towsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raagge ayaa ku soo dhaweyay Safiirka maraykanka iyo General Townsend waxana ay kulan ay yeesheen ugaga wadahadlen arrimaha amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Ciidamada Maraykan ah ayaa hore ugu sugnaa saldhigga ciidamada Ballidoogle hase yeeshee intooda badan ayaa laga saaray ciidamadaas kahor inta uusan ka degin xilka madaxtinimada dalka Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More