Safiirka Ingiriiska oo gaaray Garoowe, lana kulmay Deni

Dec 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More