Safiirka Itoobiya oo loo qabtay muddo 72 saacadood ah inuu ugaga baxo Soomaaliya

Apr 04 (Jowhar.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Itoobiya u joogay Muqdisho ku war-gelisay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa la faray inuu dib ugu soo laabto dalka.

Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:-

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More