Jan 19(Jowhar)-Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo ay weheliyaan diblumaasiyiin kale, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe, halkaas oo ay kulamo rasmi ah kula yeelanayaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Deni ayaa saacadaha soo socda ka soo laabanaya Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu maalmahan ugu maqnaa safar shaqo. Kulamada dhexmaraya labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee guud ee dalka, iskaashiga Puntland iyo Midowga Yurub, iyo taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya xilli si weyn loo sugayo qabsoomidda shirka u dhexeeya Mucaaridka iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la filayo in lagu gorfeeyo arrimaha doorashooyinka dalka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka.
Midowga Yurub ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee door muuqda ku leh taageerada nabadda, dimuqraadiyadda, iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.










