Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo warqadihiisa aqoonsi u gudbiyay Demeke Mekonnen

Jun. 14 (Jowhar.com)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Amb. C/llaahi Warfaa ka guddoontay nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirnimo.

Danjire Warfaa ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde.

Waa safiirkii u horreeyay ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay magacawdo muddo sanad oo Xafiiska joogo.

waxay tani soo gabagabeyneysaa muddo sanad oo aanay Soomaaliya Safiir rasmi ah u joogin dalkaas, kaddib markii Safiirkii Addis Ababa Jen. C/llaahi Ilka-Jiir ka mid noqday Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More