Sanbaloolshe iyo 6 musharax kale oo maanta ku tartamaya kursiga Hop#058

Mar 27 (Jowhar.com) –Magaalada Beledweyn waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kursiga sumadiisu ay tahay Hop#058, kaasoo uu Shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Nuur Iidoow Beyle oo haatan aan tartameyn.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa Sabtidii Shahaadada musharaxnimo gudoonsiiyay 7 musharax oo ku tartami doona halkaasi kursi, kuwaasoo magacyadooda kala ah;

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: Eng, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan.

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen.

7: Ubax Cali Sheegow.

Kursigan Hop#058 ayaa kamid noqonaya kuraasta loolankooda uu adkaan doono, waxaana socda qorshe lagu doonayo in kursigaas lagu dhaafiyo taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe oo kamid ah xubnaha ugu cad cad ee loo saadaalinayo hanashada kursigaas.

Sanbaloolshe ayaa kursigan hore ugu guuleystay sanadkii 2016, balse waxa uu iska wareejiyay markii Farmaajo uu u magacaabo taliyaha NISA, xilkaasoo bilooyin yar kadib laga qaaday, iyadoo booskiisiina uu qaatay xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More