Saraakiil Imaaraat ah iyo kuwo Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay xerada Jen.Gordon

Feb 10 (Jowhar.com)-Sida ay xaqiijinayaan warar hordhac ah oo laga helayo degmada Hodan, weerar ayaa ka dhacay gudaha xerada Imaaraatka Carabta ee Jen, Gordan ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa intaasi kusii daraya in dhimashada 6 kamid ah saraakiishii Ajnabiga ahayd ee Imaaraatka Carabta u joogtay xeradaas iyo 8 sarkaal oo Soomaali ah.

Saraakiisha la dilay ee ajaaniibta ah ayaa masaajidka kutukanayay, Askari hubeysan ayaa weerarkan fuliyey.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo jah wareer uu ka jiro gudaha xerada oo noqotay meel dhimasho iyo dhawac uu hareeyay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa durba tagay xerada oo eheyd mid amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More