Sarkaal ciidan iyo wadaad caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Nov. 12 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaaladaMuqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay siyaabooyin kala duwan dilal uga geysteen degmooyin kamid ah caasimadda, iyadoo dambiilayaasha ay ka baxsadeen gacanta laamaha amaanka dowladda.

Xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile  waxaa lagu dilay Jeneraal Cabdullahi Xuseen Warsame ( Waran ) oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadda milatariga Soomaaliya.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, sarkaalkan waxaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay dhalinyaro bistoolado wadatay, iyagoo weerarka kadib ku baxsaday mooto Fekon.

Dhinaca kale, degmada Dharkiinleey waxaa lagu dikay Sheekh C/casiia Axmed Xirsi oo ahaa khadhiibka jimcaha ee Masjidka dabaqeyn, waxaana gelinkii dambe ee shalay toogtay koox bistoolad leey ah.

Wadaadkaasi ayaa xogo la helayo tilmaamayaan inuu khudbadii Jimcaha ee shalay uu ka jeediyay masjidka Dabaqeynka si weyn ugu dheeraaday carada Alle ee ka dhalaneysa baneysiga dhiigga qofka muslimka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More