Sarkaal ka shaqeynayay garoonka Adan Cadde oo lagu dilay Muqdisho

May 19 (Jowhar.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo kooxihii dilkaa geystayna ay isaga baxsadeen goobta.

Wararka waxey sheegayaan in kooxo bistoolado ku hubeysan ay xaafada Suuq Liif ki dileen sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, ayaa la toogtay isagoo ka sii baxayay hoyga uu ka dagan yihiin degmada Dharkiinleey, iyadoo rasaasta ay ka heleeshay qeybaha sare ee jirka.

Ciidamo boolis ah uu watay taliyaha saldhigga degmada Dharkiinleey ayaa tagay halka dilka uu ka dhacay iyagoo sameeyay howlgal baaritaano ah walow aysan ku guuleysan iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More