Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamadda dowladda Soomaaliya

Mar. 30 (Jowhar.com)-Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana u xalay isku soo dhiibay Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ee ku sugan dagmada Janaale.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan ugu baaqay xubnaha maleeshiyada Al-shabaab inay ka baxaan urururkaas, iyada oo dhinaca kale ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka looga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More