Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu diley Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu diley xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere ayaa xilliga la dilay Garaash kasoo baxsanayay Gaarigiisa, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalka katirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka la Shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo Askarta dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More