Sarkaal milatari ah oo lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Kaxda.

Nov. 18 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Qofka la dilay oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadda Milatatiga waxa uu dilkiisa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Goleey , iyadoo xiliga la dilayay uu ku sugnaa goob dukaan maqaaxi ah oo uu isaga lahaa.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay Maxamed Dheere dilkiisa ay geysteen saddex dhalinyara ah oo Bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo dilka kadib ay ku baxsafeen gaari nooca raaxada ah.

Dilalka ay geysanayaan kooxaha bistooladaha ku hubeysan ayaa kusoo badanaya degmada Kaxda, waxaana habacsanaan laga dareemayaa amniga degmadaas, xili isbedel maamul dhawaan lagu sameeyay degmadaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More