Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish oo Gaajo iyo Haraad u geeriyooday

Sep 24 (Jowhar.com)-Maamulka Puntland ayaa shaacisay xogta sarkaal sare oo ka tirsan koxoda Daacish, kaasoo u geeriyooday gaajo iyo haraad,sida lagu yiri qoraal kasoo baxay laamaha amaanka maamulkaasi.

Meydka sarkaalkan oo lagu magacaabo  Mohamed Saalim Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Yemen ayaa laga helay agagaarka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar, iyadoo barista booliska ay ku sheegeen inuusan wax kale sababsan ninkan oo uu Gaajo kaliya u geeriyooday.

Lama oga sababta ninkan Yemen u dhashay uu u tagay Degmada Dhudhub ay la xiriirto inuu damacsanaa inuu kooxdan isaga baxsado ama inuu damacsanaa inuu halkaasi ka fuliyo weerar uu ku beegsado maamulka Puntland.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale baadi goobaya nin kale oo Soomaali ah oo sarkaalkan keenay gobolka Karkaar, kaasoo ka baxsaday gacanta hay’adaha amaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More