Sarkaal sare oo ka tirsan NISA oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalaada Marko

Jun. 11 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Maarko ee xarunta gooblka Sh.hoose, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa oo ahaa miino waxaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan NISA oo lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Bitooni oo loo yaqaanay (Taliye Kush-gale) kaasoo ku geeriyooday qaraxan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya iyo askar ilaalo u eheyd iyo dad shacab ah ay sidoo kale dhaawacyo ku noqdeen weerarkan, iyagoo loola cararay xarumaha caafimaadka eek u yaala magaalo xeebeeda Marko.

Ciidamada amaanka oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgal kooban oo baaritaano ah, wallow aysan ku guuleysan soo qaabshada danbiilayaasha, hadana waxaa jira tuhuno ka dhashay weerarka oo tilmaamaya in qaraxa sarkaalkaasi gaarigiisa gudaha loo galiyay.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale la dhashay gudoomiyihii hore ee maamulka degmada Marka Maxamed Cusmaan cali ( Yariisow), sida ay innoo xaqiijiyeem ilo wareedyadu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More