Sarkaal sare oo sheegay in Shabaab qaraxyo culus la damacsan tahay 3 magaalo oo Hiiraan ah.

Nov. 13 (Jowhar.com) -Waxaa soo baxaya digniino culus oo kooxda Al-Shabaab ay ku damacsan tahay iney weeraro uga geysato magaalooyinka ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan, iyadoo shacabka la faray iney feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan, maalmahanna wax ka hoggaaminayay howlgalka kooxdaasi ka dhanka ah ayaa sheegay in bartilmaameedka Shabaab uu yahay magaaloyinka kala ah Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

“Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Beledweyne Buuloburde iyo Jalalaq waa inay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda Al-Shabaab ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri

Jeneraal Mahad Alle ayaa laamaha amaanka ee gobolkaasi faray iney laba jibaaraan howlgalada Shabaab ka dhanka ah culeys badanna la saaro, si kooxdu aysan fursad ugu helin iney diyaariso weeraro qaracya ah oo shacanka iyo ciidamadda ku dhibaateyso.

“Todobaadkaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay, saraakiisha hay’adaha amniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanay, waxaan ka codsaneynaa inay howlahooda labanlaabaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda guluf dagaal oo ku fooraro kooxda Al-Shabaab, iyadoo kooxdan laga saaray inta badan degmooyinka ugu waaweyn, walow ay meelo yar ku harsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More