Sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

June 06 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamo ka tirsan Nabad Suhida Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Busleey Daa’uud oo u dhow deegaanka Numbar konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka laamaha amaanka ee dowladda laga helayo ayaa sheegaya in howlgalkan lagu dilay sarkaal sare oo Shabaab ah, sida wararku tilmaamayaan ninka la dilay oo magaciisa la qariyay ayaa ahaa madaxii ilaalada waddooyinka Numbar-konton ilaa Iyo Janaale u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ibraahim tima-weyne oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa sheegaya iney sii wadi doonaan beegsiga askarta iyo saraakiisha Shabaab ilaa laga saaro guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka, wuxuuna askarta ugu baaqag iney isa soo dhiibaan.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laba jibaarmay weerarada ka dhanka ah Shabaab, shalay oo ugu danbeysay ciidanka Kumaandooska DANAB oo gudaha u galay deegaanka Tooratooroow ayaa gacanta ku soo dhigay Shan dagaalame oo Shabaab ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More