Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan hore oo lagu qbatay dagaalka Sool

Apr. 01 (Jowhar.com)-Xildhibaan Faarax Dalmar oo bilowgii sanadkan iska casilay xubinimada baarlamaanka Puntland.

Ayaa kasoo dhex—muuqdey maxaabiis ay Somaliland soo bandhigtay kuwaasoo ay sheegtay in ay ku qabatay dagaal Sabtida maanta ah ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa xaqiijisay in ay gacanta ku hayso 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo katirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood.

5-tii Jan sanadkan 2023 ayuu Farah Dalmar sheegay in uu iska casilay xildhibaanimada Puntland, kana mid noqday dagaalamayaasha deegaanka ee kasoo horjeeda damaca Somaliland.

Inkasta oo aan la xaqiijin in laga aqbalay iyo in kale is-casilaadiisa, Dalmar ayaa horey ugu dhaawacmay dagaalo ay wada galeen dadka deegaanka iyo Somaliland, gaar ahaana 2018-kii.

Somaliland ayaa sheegtay in dhankooda weerar lagu soo qaaday oo ay fulinayaan xabadjoojin ay horey ugu dhawaaqeen, xili 26kii bishii March ay sheegtay in ay iyadu qorsheynayso duulaan dagaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More