Sen. Xuseen Sheekh oo shaaciyay inuu yahay musharax u taagay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed

1

Dec 01(Jowhar)-Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan xubnaha sare ee Xisbiga Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xuseen Sheekh oo hadlay ayaa sheegay in uu diyaar u yahay tartan hufan, isla markaana uu rajeynayo in Koonfur Galbeed loo horseedo hoggaan “isbedel iyo xasillooni siyaasadeed leh”.

Markii wax laga weydiiyay in uu la tartamayo madaxweynaha hadda jooga Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ah ku-xigeenka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka—Xuseen Sheekh wuxuu sheegay in aan weli la hubin in Laftagareen damac madaxweyne mar kale leeyahay.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda u muuqata mid kululaanaysa, iyadoo laba mas’uul oo saameyn leh oo xisbiga madaxweynaha ka wada tirsan ay ku jiraaan liiska musharaxiinta suurtagalka ah.