Senatar Dhagdheer iyo Dhagey oo markale loo doortay Aqalka Sare

Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Cabdi Dhuxulow Dhagdheer ayaa markale loo doortay kuraasta Aqalka Sare kadib markii musharaxiintii la tartamaysay ay tanaasuleen.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guuleestay kadib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo ahaa musharaxii la tartamayay.

Sidoo kale waxaa muddo afar sano ah la doortay Senator Cabdi Dhuxulow Dhagdheer kadib markii uu tanaasulay musharaxii isna la tartamayay Nuur Xasan Guutaale .

Doorashada ka socota magaalada Dhuusomareeb ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwa ay musharaxiinta ay isu tanasulayaan,waana sadexdii kursi ee ugu horeeyay hadaba lagu guuleestay iyada oo aysan doorasho dhicin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More