Senatar Qeybdid oo ka digey in Golaha Shacabka uu Kalsoonida kala noqdo Rooble

Senatar Cabdi Qeybdiid ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhow magaalada Muqdisho ayuu Cabdi Qeybdiid ka sheegay in uu jiro shaki ah in baarlamaanka uu qorsheynayo inuu carqaladeeyo horumarka doorashada laga gaaray.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaatana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya,”ayuu yiri Senatar Qeydiid.

Sidoo kale Senatar Cabdi Qeybdiid oo maalmihii la soo dhaafay dadaal xoog leh ugu jirey sidii xal loogaga gaari lahaa xiisada ka soo cusboonaatay caasimada ayaa sheegay in go’aankii baarlamaanka ee 12-kii bishab ay ahayd April ay sababtay in dad badan u dhinteen,kuwo u dhaawacmaan halka kumanaan qoysna ka barakaceen guryahooda.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo xoogeysanayay shakiga ah in Baarlamaanka uu doonayo in kalsoonida kala laabto Ra’iisul Wasaare Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More