Senatar Zamzam Dahir oo dib loogu doortay Aqalka Sare

Senator Zamzam Dahir Maxamuud ayaa mar kale loo doortay Kursiga Senatarnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ku guuleysatay 89 cod oo ahaa mid gacan taag ah.

Senator Zamzam ayaa aheyd Senataradii u horeysay ee Haween loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10aad ee muddo xileedkiisa dhammaaday.

Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta dooranaya illaa lix kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare waxaana hore loo doortay saddex senatar oo labo ka mid ah ay dib u soo laabteen.

Dhammaan kuraasta lagu guuleystey doorashada ka socota magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid aan lagu tartamin iyadoo senatarada la doortay dhamaantood loo tanaasulay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More