Shaacinta Maalgashiga warshadda Cusub UBC Coca Cola oo ka dhacday Muqdisho

Nov 17 (Jowhar.com)-Xafladda shaacinta maalgashiga Warshada UBC-COCA -COLA ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowlada federalka,maamulka gobolka Banaadir,rugta ganacsiga iyo Maamulka Shirkadda UBC-COCA-COLA iyo martisharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Agaasimaha Guud ee Warshada UBCCoca –cola Cawil Tooxow Kheyre waxana uu ka hadlay kuna dheeraaday taariiqda warshada iyo horumarka ay sameysay mudadii ay jirtey.

“ Sababta aan u shaacinayno maalgashiga warshada waxa ay tahay iyadoo lixdii sano ee la soo dhaafay warshada ay sameysay faaidooyin badan,isla markaana maalgelisay xarumo ganacsi oo Muqdisho ku yaal ayaan jecleysanay inaan sii kordhino maalgashiga warshada oo aan ballaarino.”ayuu yiri Agaasimaha Warshada Coca-Cola.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyin ka socotay maamulka gobolka Banaadir iyo rugta ganacsiga waxayna qireen howlaha ay u qabato warshada Coca-Cola inay tahay mid daboolaysa baahida ka jirta dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay munaasabadan ayaa soo dhoweeyay baahinta maalgashiga warshada Coca-Cola waxana uu Warshadleydii Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka aaminaan.

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo dastuurka Xasan Macalin Maxamuud oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo wakiishay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxana uu xusay inay dowlada Soomaaliyeed ay haatan diyaar u tahay in ay dhiirigeliso ganacsiga waxana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu ay dalkooda maalgashadaan.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Jibriil Cabdirashiid Xaaji waxana uu u mahadceliyay ganacsatada maalgelisay warshada Coca-Cola waxana uu xusay inay tahay mid loo baahan yahay in la sii kordhiyo howlaha ganacsatada ay u hayaan bulshadooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More