Shabaab badan oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Apr 15 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo degmada Buuloburde ku dhexmaray ciidan Macwuusley ah iyo kuwa Shabaab.

Dagaalka oo socday kudhowaad laba saacadood ayaa yimid kadib markii Ciidanka Macwuusleyda ah ay weerar ku qaadeen goob ay isku uruursanayeen kooxda Shabaab oo waday abaabulka duulaan cusub.

Macluumaadka ayaa intaasi ku sii daraya in halka dagaalka ka dhacay oo ah deegaanka Wareertire oo u dhaxeeya degmada Buuloburde iyo deegaanka Halgan oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan laga saaray kooxda Shabaab.

Mid kamida saraakiisha u hadashay Macwuusleyda waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 5 xubnood oo Shabaab ah, dhankoodana uu hal askari kaga geeriyoodah.

Dagaalkan kahor, diyaarado dagaal ayaa habeen kahor duqeymo culus la beegsaday saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen isla deegaankan Wareertire.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More