Shabaab oo 7 qof shacab ah ka afduubatay gobolka Mudug

Mar 26 (Jowhar.com) –Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay deegaanka Baraag Ciise ka afduubteen 7 ruux oo la sheegay iney ahaayeen dad xoolo dhaqata ah.

Sida wararku sheegayaan, dadka la afduubtay ayaa ka biyo diiday lacago ay Al-Shabaab ugu magac dareen Zakawaad oo ay ka qaadaan xoolo dhaqato, iyadoo Inta badan gobolka Mudug ay kusoo noq-noqdeen dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo is uruursaday, kana soo horjeeda kooxdaaasi.

Guddoomiyaha deegaanka lagu magacaabo Bajeela, Maxamed Shuuke Abshir ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay ineysan garaneynin halka ay kooxdan la aaday dadkan oo u nadan odayaasha deegaanka, wuxuuna qiray iney qabaan walaaca xaaladooda nololeed.

Odayaasha deegaanka ayaa lagu soo waramayaa iney xiriiro la sameeyeen kooxda si looga dhaadhiciyo in lagu sii daayo dadkan ay afduubteen, xogaha la helayo ayaa sheegaya in kooxda ku xujeysay sii deynta in la bixiyo ku dhowaad seddex kadin oo Geel ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More